X

Muuse Biixi oo loo sheegay inuu faraha ka qaado eryana Shiinaha Taywaan sheeganaya

Safiirka Shiinaha u jooga Somaliya ayaa booqdey Hargeysa halkaas oo la sheegayo inuu la kulmayo horjoogaha maamulka Muuse Biixi una sheego inuu faraha kala baxo Shiinaha sheeganaya Taywaan ee uu sheegay inuu xiriir la furay.


Shiinaha oo haysta taageerada dawlada dhexe ayaa ka kaluumaysta xeebaha dalka, halka Taywaan oo ah gobol falaaga ah ay taageeraan reer galbeedka uu Maraykanku u horeeyo.

Waxay maal geliyeena jasiiradaas oo u fureen suuqooda muddo 70 sanno ah. Shiinaha ayaan ka daba tagin Taywaan markii falaagadu u yaacday halkaas sanadii 1949 markii la garaacay.


Fariinta uu safiirku waday ayaa ah ka bax haddii kale farahaad kaga guban qaasatan ayadoo maamul jufeedku aanu haysan taageerada dawlada dhexe iyo tan dadka deegaankaba. Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu diidey inuu la kulmo safiirka Shiinaha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.