Muuse Biixi ayaa magacaabay xubno kale oo ka mid noqonaya maamulkiisa. Xubnahan la magacaabay ayaa buuxinaya wasaarado hore u jirey laakiin lacago lagu cuni jirey.
Liistada Muuse Biixi soo saaray ayaa u qornaa sidan hoose.
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
1.
Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
2.
Axmed Yuusuf Dirir Maxamed
Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
3.
Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
4.
Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
5.
Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi
Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka
6.
Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
—
Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidential of Media
Hargeisa – Republic of Somaliland
Email: naska2007@hotmail.com
nasirnaska77@gmail.com
Soo akhrintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS