X

Muuse Biixi oo markale sameeyay isku shaandheyn kooban

Madaxa Somaliland Muuse Biixi ayaa markale sameeyay isku shaandheyn kooban halkaas oo uu eryay wasiir ka mida golihiisa mid kalana ku bedelay. Muuse Biixi ayaa markale dhinaca Awdal aan waxba u kordhin inuu booskii hore ku bedelo mid kale mooyee.


Hadaba wareegto uu soo saaray ayuu ku magacaabay wasiitka qorsheynta oo ay isku jufo yihiin Axmed Ismaaciil Samatar ahaan wasiirkii qorsheynta. Wareegtada ayaa u qorneyd sidan hoos ku qoran:

Ugu horeyn wasiirka uu eryay:


Cawaale Shirwac Lo’doon oo hayay booska qorsheynta ayaa la bedelay. Cawaale waxay isku jufo yihiin Axmed Ismaaciil Samatar oo Muuse Biixi ku eedeeyay qabyaalad. Waxana cad booskan oo uu ku helay sidaa hadda Muuse ka aargostey dibeddana dhigey.

Waxa lagu bedelay C/raxmaan Cismaan xaaji Cabdi (shibiin).


Waxa kale oo uu magacaabay wasiirka caafimaadka oo uu u dhiibey Cslu Cumar C/llaahi.

Halka wakiilka Somaliland ee Itoobiya uu ka qaaday Axmed Xasan Cigaal Sahal una dhiibey Salaan Xasan Kayd Cabdille.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.