X

Muuse Biixi oo sii daayay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Wadani kadib fadeexad ka raacdey

Horjoogaha maamulka Somalilaan Muuse Biixi ayaa sii daayay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Wadani oo uu jeelka ku gurey usbuuc kahor. Masuuliyiintan ayaa la soo daayay markii fadeexad ay ka raacdey oo xataa Ingiriisku ku qayliyay.


Masuuliyiinta uu sida sharci darada jeelka ugu gurey ayaa waxa ka mida Ila meerayso, afhayeenka xisbiga oo iyagu helay xorityadooda. Ilameerayso ayaa isagu sheegay inaan maamulka ilameerayso lagu wadayn.


Soo deyntan ayaa timi markii xataa uu qayliyay taageeraha ugu weyn ee maamulka ee Ingiriiska. Barkhad Jaamac oo xadhigiisa aad looga wada xanaaqay ayaa sheegay inuu fashil ku yimi maamulka.


Askar Muuse Biixi amar soo siiyay ayaa joogtey jeelka laakiin wax ka oran mayo ayuu yiri Barkhad Jaamac oo ka soo jeeda qoomiyada Gabooyaha ee ay ku dhiiban yihiin kumanaan Isaaqa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.