X

Muuse Biixi oo u dabaaldegay guul uu ka gaadhay gobolka Togdheer

Ilo lagu kalsoon yahay ayaan ka soo xiganay madaxtooyada Muuse Biixi ee magaalada Hargeysa in horjooge Muuse Biixi caawa aad u faraxsan yahay markii xulkiisa Gebilay ay garaacaan kuwa Togdheer.


”Guushan ayuu ku tilmaamey mid si hoose uga aargoosanayo gobolka Togdheer ama beesha gobolka Togdheer oo ay siyaasad xun isku hayaan ayu yiri nin xogta aan ka soo xiganay.

Magaalada Gebilay ayaa iyadna guushan aad looga dabaaldegay, ayadoo guushan kubada cagta ay aargoosi siyaasadeed u tahay. ”Gobolkii raggu waa anaga ayuu ku qayliyay wiil dhaliyara oo aad u faraxsan.


Ciyaaraha maamulkan qaybo oo inta badan ay ku tartamaan halbeel oo is balaadhisay ayaa wasiirada maamulkuna jufo aan midba jufadiisa la jiraa kana qayb galaa xafladaha.

Si kastaba ha ahaatee waxa xoghayuhu noo sheegay in uu niyad ahaan mabsuud yahay horjooge Muuse Biixi oo laguy khasaaray intii mamulka loo dhiibey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.