11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Muuse Biixi oo wada shaqaaleeyay dhamaan ciyaartoyda degmada Gebilay

Kadib markii magaalada Gebiley lagu soo dhaweeyay ciyaartoyda magaalada u ciyaarayay oo dhamaantood ka soo jeeday jufada Muuse Biixi ayaa maayerka degmadu ku dhawaaqay inay dhamaan ka mid noqon doonaan shaqaalaha maamulka.



Ma sheegin xirfada ay ku kasbadeen in la shaqaaleeyo iyo adeega ay u qaban doonaan bulshada degmada oo ah degmo isku dhafa laakiin asalkeeda lahaa Samaroon.



Maaha markii ugu horeysay ee horjooge Muuse Biixi uu miisaaniyad u helo dhalinta degmada uu sheegto, lacagta lagu biilayo dhalintan ayaa laga soo qaadayaa gobolka Awdal oo kuwoodii la yidhi beerta daaqa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS