X

Muuse Biixi oo war qoraala ku diidey inuu saamiga u furo beelaha aan ISAAQA ahayn

Muuse Biixi ayaa war qoraala ku diidey inuu saami u furo beelaha aan ISAAQA ahayn. War qoraala oo uu siiyay saxaafada ayuu ku sheegay in saami qaybsigu isaga u oolin ee ay tahay arin u taala golaha ISAAQ ee loogu yeero guurtida.


Xildhibaano reer Awdala oo daraad diidey in 13 cod ku galaan doorashada ayaa waxa Muuse Biixi amrey in Axmed Muumin Seed u jawaabo. War qoraalkiisa wuxuu uu ku adkeeyay hadalkii Axmed Muumin oo jagada Muuse siiyay ku faraxsan.


Muuse Biixi ayaa dhinaca kale war ka soo saaray shirka Somalida uga socda Barasalis kuna tilmaamey mid aan cidi u tagin. Waxa shirka Barasalis ka soo muuqdey Faysal Waraabe oo sita baasaboorka Finland-ta uu ka dhiiban yahay oo la kulmey safiirka Somaliya u fadhiya midowga Yurub.


Wuxuu kaloo uu taabtey ergo uu u direy Garoowe oo uu ku sheegay inay celinaayeen casuumad ay hore ugu yimaadeen Hargeysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.