X

Muuse Biixi oo xabsiga u taxaabay fanaanka Qamar Suugaani

Fanaaniinta iyo dadka waxgaradka ee Woqooyiga ayaa aad u cambaareeyay horjooge Muuse Biixi oo xabsiga u taxaabay fanaanka Qamar Suugaani oo ah fanaan Somaliyeed.


Fanaanka oo socdaalkiisa ugu dambeeyay ka yimi Butlaan ayaa Burco soo galay halkaas oo booliiska Muuse Biixi gacanta ku dhigeen kadibna jeelka u taxaabeen.

”Waa foolxun in horjooge Muuse Biixi oo ahaa nin khayaanay dawlada iyo shacabkiisa kana soo jeedsaday dhinaca gaalada Axmaarada uu fanaaniin iyo gabdho calamo guryahooda ku xardhadey jeelka u taxaabo ayuu yiri Xuseen Warsame.


Xamar ayaa beesha dhexe ISAAQII kale uga dhigtey meel bahalo galeena ku darsoo markey rabaana way tagaan ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Dhawaan ayay ahayd markii hotjooge Muuse raiisal wasaare ku xigeen hore oo jufadiisa ah albaabada u furey Hargeysa.

”Sidaan ku jiri meynee waxay ku dhawdahay inay qaraxdo ayuu yiri Jaamac indhayare oo jooga Burco.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.