Muuse Biixi oo xoriyada u diidey huteel ku yaala Hargeysa. Huteelkan oo lagu magacaabo beerta Libaxyada ayaa hore loo beegsaday ayadoo markan loogu soo gabanayo diinta. Mulkiilaha ayaa hore u sheegay inuu jiro is-riixitaanka dhinaca ganacsiga ah.
Waxa Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka caadi u soo gala kjamriga oo laga keeno Itoobiya ayna soo geliyaan Itoobiyaanka dalka ku nool iyo Somalida qaarba. Huteelkan Muuse Biixi beegsaday ayaa sheegay inayna jirin cid ka soo cabatey sida in sameecado waaweyn ku xiran yihiin dadka jaarkuna ka dacwoodeen.
Warqad uu soo qorey Muuse Biixi ayuu ku sheegay in huteelkan la xanibay mudada lixda ilaa lixda habeenimo, taas oo ah cunaqabatayn lagu tirtiraayo ganacsiga muwaadin Somali ah.
Waxaan maqli jirey Muuse Biixi oo SNM ah ayaa oran jirey waxaan dadkayaga u qixinay bilaa xoriyad, waxaanse tabayaa dawladii la ridey waayo weligay ma arag Hargeysa meel ay uga liidato dhinaca xoriyada intaa aan jirey ayuu yiri Xasan Nuur oo raaciyay in hadaad hadasho waa lagu xirayo, xataa hadaad Muuse Biixi isku socod ekaysiiso jeel ayaad ku jirtaa.
”Waxa hadda ugu sii daran in diintii layskugu soo gabanayo oo laga dhigo diin loo isticmaalo markaad u aragto inaad ku fushanayso danahaaga ayuu raaciyay Xasan Nuur oo degan xaafada 26 Juun.
Waxaan sugnaaba waa maxaa xiga haday sidan ku socoto kama fursanayso in dadku dib isku xoreeyaan si xoriyad loo helo ayuu ku nuuxnuuxsadey Xasan Nuur oo ka mid ahaa dadka huteelkaas isagu ku caweyn jirey kuna doortey bilicda huteelka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay