X

Muwaadin Somali ah oo lagu diley dalkaasi Masar iyo dad loo qabtey

Muwaadin Somali ah ayaa lagu diley dalkaasi Masar iyo dad loo qabtey.

Muwaadinka la dilay oo lagu magacaabi jiray Shaakir ayaa da’diisa waxaa lagu qiyaasay 16 sano jir, waxaana Meydkiisa la geeyay Isbitaal ku yaalla xaafada Nasri City ee dalka Masar.



Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa dilka Shaakir waxa ay u soo qab qabteen ilaa 40 Qof oo Soomali ah, kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo ku sugnaa guriga wiilka uu deganaa iyo kuwo kale oo laga qabtay goobta uu dilka ka dhacay.



“Muwaadinka waxaa lagu dilay xaafada Nasri City, xilliga la dilayay wuxuu ka soo baxay Maqaaxi halkaasi ku taalla, Ciidamada ammaanka waxa ay gacanta ku soo dhigeen 40 qof oo Soomaali ah, hada baaritaano ayaa ku socda.” Waxaa sidaas yiri Maxamed Faarax Cabdi oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Masar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.