X

Muwaadiniin go’doonsanaa oo dalka dib loogu soo celiyay

Dawlada Somaliya oo gudanaysa waajibaadkeeda ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Somaliyeed oo Ku go’doonsanaa dalka Sucuudiga. Waa markii afraad ee dawlada Somaliya ay dadkeeda Ka soo daadgureyso dal shisheeye.


Dhawaan ayay ahayd markii duulimaadyo noocan oo kale ah dalka dib loogu soo celiyay muwaadiniin ku go’doonsanaa Carabaha iyo Bakistaan oo sahaydii ka go’day.


Dadka la soo celiyay oo u badnaa haween iyo caruur ayaa ka mahadceliyay hawsha dawladu u qabtey. Guud ahaan waxa diyaarada maanta Ka soo eegtay Muqdisho sidey 123 qof. Dawlada ayaa sidoo kale Isla galabta soo celisay arday Somaliyeed oo ku xanibnaa dalkaasi Yugaandha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.