X

Dawlada Somaliya oo sharaxday sababta ay u joojisay diyaarado Kiiniya leedahay

Dawlada Somaliya ayaa shaacisay inay dalka ka mamnuucday laba diyaaradood oo ka diiwaan gashan dalkaasi Kiiniya oo dalka ku soo sameeyay duulimaadyo beena. Labadan diyaaradood oo ay leeyihiin shirkadaha Buff Air iyo Silverstone Air ayaa wasaarada duulistu kala noqotey ruqsada.


Buff Air ayaa ka eegtay magaalada Buuhoodle ayadoo raadaarka u sheegtay inay sido daawo halka sida dhabta ah ay sidey qaad.

Sidoo kale diyaarad ay leedahay Silverstone ayaa ka eegtay magaalada Jowhar ayadoo raadaarka u sheegtay inay sido daawo laakiin sidey qaad.


Labadan diyaaradood ayaa usbuucii hore dalka soo galay. Dawlada Somaliya ayaa hore u joojisay duulimaadyada aan ahayn kuwa loo baahan yahay, waxana cad inay sameeyeen xad-gudub toosa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.