Muwaadiniin ka soo jeeda deegaanada Lughaya ee beesha dhexe ku qabsatey dhulkooda ayaa dacwad u gudbiyay maxkamada sare ee maamulka Somaliland sidaana waxa sheegay gudoomiyaha maxkamada.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa la hadlay wargeys maxali ah ayaa u xaqiijiyay in shacabkaas oo ah muwaadiniin ka soo jeeda gobalada Awdal iyo Selel ay codsigaas shalay soo gaadhsiiyeen maxkamadda distooriga ah islamarkaana ay maxkamadu ka qabatay, waxaanu intaas raaciyay inay darsanayaan codsiga muwaadiniinta.
Muwaadiniintan oo ay tiradoodu tahay 12 muwaadin oo ka soo jeeda gobaladan, ayaa wuxuu nuxurka codsigoodu yahay in Maxkamadda distooriga ahi maadaama oo ay qaabilsanahtay doorashooyinka iyo xuquuqaha muwaadinka, inay iyagoo xuquuqdooda ilaashanaya ay ka dalbanayaan maxkamaddu inay xayirto lixdaas goobood in wax diiwaangelin iyo doorasho ah laga qabto, ilaa inta ay kala cadaanayso gobalka ay raacayaan, “Waanu ka qabanay muwaadiniintaas codsiga ay noo soo gudbiyeen.” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda distooriga ah ee Somaliland.
Talaabadan ayaa muujinaysa sida uu isbedel ugu yimid garsoorkii Somaliland islamarkaana ay u soo noqotay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen garsoor madaxbanaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay