November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Muxuu daaran yahay kulanka madaxweyne Farmaajo la qaadanayo Cabi Axmed iyo Afwerki: SAWIRO

Muxuu daaran yahay kulanka madaxweyne Farmaajo la qaadanayo Cabi Axmed iyo Afwerki oo maanta ka dhacaya caasimada gobolka Axmaarada ee Gondar. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa soo dhaweeyay  Cabi Axmed iyo Afwerki.



Raiisal Wasaaraha Itoobiya oo xirnaa dharka casaanka ee Itoobiya looga yaqaano dharka nabadda ayaa fueri doona shirkan kooban ee lagu sii ambaqaadi doono kulanadii hore.

Hogaamiyaha kala furfuranka geeska Afrila Cabi Axmed ayaa raba inuu dalkiisa aduunka u furo si dhaqaale badan u so galaan dadkiisuna xor noqdaan.



Isbedeladan uu wado ayaa waxa jira siyaasiyiin badan oo Itoobiyaana oo ka caraysan, meelaha qaarna xoriyada ayaa loo qaatey in lagu mijoxaabiyo dalka.

Kulanka kadib ayaa la rabaa in laga soo saaro war murtiyeed. Jabuiuti ayaa iyadna ku soo biiri doonta marka Eriteriya go’aansato in ay faraha ka qaado buurta Dhumeera.



Itoobiya ayaa rabta inay dhisato ciidan badeed laakiin bad male waxayna rabtaa inay heshiis la gasho Somaliya iyo Eriteriya sidii ay uga caawin lahaayeen. Mana fududa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS