X

Muxuu ka dhigan yahay amarka dawlada Somaliya ee garoonka Kismaayo

Dawlada Somaliya oo soo ceshanaysa xornimada dalka ayaa amar duldhigtey diyaaradaha ka degaya Kismaayo ee ka yimaada Kiiniya. Kismaayo ayaa ka baxdey gacanta dawada Somaliya una gacan gashay Kiiniya.


Wasaarada duulista ayaa u sheegtay diyaaradaha tagaya Kismaayo ama ka duulaya in marka hore ay soo maraan garoonka Muqdisho inteyna dalka ka bixin. Amarkan ayaa lagu xaqiijinayaa in dalka Somaliya leedahay iyo Kiiniya leedahay laguna ogaan karaa waxa lagu qaado diyaaradahaas.


Kiiniya ma yeeli doontaa amarka?

Waxa hubaala in Kiiniya diidi doonto amarkaas taasina ay ku qasbi doonto in dawlada Somaliya ay xaqiijiso xornimada dalka oo ay xirto garoonkaas Kismaayo ee cadowgu isticmaalo.

Kiiniya ayaa u diidey diyaarad Amisom leedahay inay ka degto Kismaayo taas oo ka dhigan in magaalada ay ka taliso ciidan shisheeye isla markaana cadow uu haysto.


Waaxa la sugaa sida Kiiniya uga jawaabto ayadoo isticmaalaysa Axmed Madoobe. Garoonka Kismaayo waxa isticmaala diyaaradaha Kiiniya ee wada askarta lagu sheegay Amisom laakiin hadda la ogaaday ujeedadooda.

Waxa garoonka laga dhoofiyaa waxyaabo farabadan oo dawlada cashuur ka soo geli lahaa waana goob mukhaadaraad. Garoomada diyaaradaha ayaa sidoodaba ah goob u nugul in la weeraro si fududna loo xiri karo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.