X

Qudbad noocee ayuu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay shirka Jabaan iyo Afrika: SAWIRO

Madaxweynaha Somasliya Maxamed Farmaajo ayaa qudbad ka jeediyay shirka Jabaan iyo Afrika oo ka furmey dalkaasi. Shirkan oo shanti marba lagu qabto Jabaan ama Afrika ayaa ujeedadu tahay sidii Jabaanku u muujin lahaa awoodiisa dhaqaale.


Inkasto Jabaanku aanu gaarayn deeqaha uu Shiinuhu siityi Afrika haddana waxay ka dhigan tahay in loo kala badiyo sidii maskaxda looga qabsan lahaa wadamada Afrika loona kala badin lahaa kheyraadkooda.

Hadaba madaxweyne Farmaajo ayaa qudbadiisa ku yirti sidan:


“Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya.”


Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaan la fileyn in dawlada Somaliya ka hesho deeq inkastoo waxooga dhac dhaca ka heli doonaan Jabaanka oo lagu yaqaan gacan adeyg.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.