X

Muxuu Turkigu ugu baahday Somaliya inuu ka dhiso goob dayax gacmeedkiisu ka duulo

Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inuu rajaynayo inuu laba sano kadib uu gaaro dayaxa. Turkiga ayaa sheegay in marka hore ay isticmaali doonaan matoor ay leeyihiin dal kale ama gantaal kale lagu duulin doono.


Waxase ay rajaynayaa in sanadaha ugu dambeysa ay isticmaalaan matoor ay iyagu sameeyeen sidaana kaga mid noqdaan dalalka hora umaray dhinaca dayac gacmeedada.

Dhowr wadan oo reer Yuruba ayaa diidey inay Turkiga ka caawiyaan duulinta dayac gacmeedkooda oo ay u isticmaalayaan cimilada iyo weliba difaaca.


Haddaba Turkiga ayaa la sheegay inay isticmaali doonaan gantaalada xooga weyn ee Bakistaan samayso kuwaas oo qaadi kara xadid aad u xoogweyn ama u miisaan culus.

”Sidan ognahay dhulkeenu waa balaaran yahay waxaan leenahay bad aad u baaxad weyn oo aan laga faaiideysan inta baddana ay joogaan maraakiib ajaaniba, waana goob ku haboon in lagu tijaabiyo gantaalada noocana oo u baahan meel cidla ah ayuu yiri Cali Calasow.


Waana sababta dalkeenu ugu haboon yahay tijaabinta gantaaladan qaadaya dayax gacmeedada, hadday wax noqdaana ku dhici doonaan badda.]

Somaliya ayaa qabta horumarka Turkigu waa kan Somalida, waxayna ka faaiidi doonaan aakhirka in tiknoolajiyadan la baro dhalinta qaranka si dalku hore u mari ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.