X

Yaa wada qaylada ka soo yeeraysa ciidanka Turkigu inoo tababaro

Waxa dalka  ku soo laabtey ku dhawaad 200 oo askari oo ka mida ciidanka xooga dalka qaybtiisa loo bixiyay Danab oo ay hoostagaan magacyada Gorgor iyo Haramcad. Ciidankan ayaa aad u tababaran lehna haybad ciidan.


Somaliya ayaan u baahneyn in ciidan dibedda loogu tababaro waxase kaalin weyn ka qaadanaya Turkiga oo si tabaruca u qaatey kaalintan muhiimka ah. Waxa iyagu joojiyay tababaro noocana wadanka Maraykanka.

Hadaba waxa maalmahan jirey qaylo iyo cabsi ku aadan ciidankaas. Qaylada inteeda badan ayaa ka imaanaysay kooxda sheegata beesha caalamka oo iyagu janno ku jira dalkana raba inay ka xukumaan XALANE.


”Qayladan ka imaanaysa horjoogeyaasha waxa keentay inay codsadaan in shirarka lagu qabto XALANE, maaha wax iyagu codsadeen laakiin ujeedada ayaa in welli Somaidu is imaanayn una baahan yihiin shisheeye amnigooda ayuu yiri Xuseen Warsame.

Waxayse ayna ogeen in Turkigu sii wadi doono tababarka iyagu dalka ka bixi doonaan waayo Turkigu waa ku filan yahay dhinaca ciidamada ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.