X

Muxuu yahay heshiiska laga qayliyay ee shatiga lagu siiyay shirkad Shiine ah

Muxuu yahay heshiiska laga qayliyay ee shatiga lagu siiyay shirkad Shiine ah. Wasaarada kheyraadka badda iyo beeraha ee Somaliya ayaa sheegtay inay heshiis la gashay shirkad Shiine si ay u gurato kaluunka dalka qaybtiisa loo yaqaan Tuunada.


Hadda waxa jira shirkado badan oo reer galbeeda oo xarumo ku leh jasiirada Murishis ee badda Hindiya ee aan ka fogeyn Somaliya oo warshado waaweyn ka samaystey, kaluunka ay qasacadeeyaana uu yahay kaluunka badda Somaliya intii ayna dhalinyaro Somaliyeed ka celin oo afduuban maraakiibtooda.


Waxa laga sameeyay balaayiin doolar kheyraadka badda ee Somaliya. Hadaba wasaarada ayaa sheegtay inay heshiis gashay, waxana ka qayliyay kaluumaysatada oo sheegay in kaluunku aan jirin hadda, hadduu jirina uu sii dabar gu’i doono.

Shirkadan ayaa istcimaali doonta jiriif xaalufiya kaluunka dhaladka ah.  Sida wasaaradu sheegtay waxa kaluumaysatada Somalida loo ogolyahay inay ka kaluumaystaan ilaa 44km baaxad ah halka kuwa shirkadana loo ogolyahay wixii ka baxsan intaas.


Waxa kale oo wasaaradu sheegtay in shirkadan loo yeeri doono xilligii la rabo si loo xaqiijiyo in kaluunka ay guratey uu yahay kii lagu hrshiiyay inkastoo warshadaha ku dhex yaala makabka ay markiiba qasadeyn karaan kaluunka la soo qabtey.


Si kastaba ha ahaatee waa qalad in kheyraadka dalka shirkado kale lacag yar looga gato halkii lagu dadaali lahaa in la kordhiyo tayada kaluumaystada Somaliyed si shaqo abuur loo sameeyo.

Waxase la fahmi karaa in dalku u baahan yahay lacag lagu abuuro shaqooyin, tana ay ka mid tahay taasi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.