Dhawaan ayay ahayd markii laba beelood oo wada dega gobolada Afdheer iyo Erar ay iska dileen rag qaarna iska dhaawaceen iyo barakac baahsan. Waxase hadda nabadeyn dhex dhigey masuuliyiin ka socda xafiiska Mustafe Cagjar.
Ciidanka dawlada dhexe ee Itoobiya ee jooga gobolka ayaa qayb weyn ka ahaa joojinta colaada labada beelood oo aan hore u jirin laakiin bilaabatey dhawaan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in kulanka saraakiisha Ciidamada dawlada dhexe qaybta gobolka Gobalka Baali ka wada hadleen sidii qaybtooda uga qaadan lahaayeen xabad joojinta labada dhinac si aysan dhiig kale u daadan taasna ay ka ogolaadeen in la siiyo aag ay ka howlgalaan.
Dagaalkii deegaanka Salaxaad ee labada jufo ku dhexmaray ayaa waxaa uu sababay geerida dad badan iyo barakaca baahsan oo welli dadku ku maqan yihiin.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS