November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Naftii halige argagixisa ah oo galaaftey nolosha laba iyo dhaawac jira

Faahfaahino dheeraada ayaa ka soo baxaya naftii halige isku qarxiyay nin lagu magacaabo Shaafi Raabi oo la sheegay inuu ahaa gudoomiyihii rugta ganacsiga ee Somaliya haddana Axmed Madoobe u hayay isla booskaas.



Qaraxan ayaa duhurnimadii maanta lagula beegsaday marxuumka Masaajidka Qadiim ee magaalada Kismaayo Hortiisa, wax yar ka dib markii laga soo baxay salaada Jimcaha,

Waxa kale oo goobta ku dhintey qof kale halka ilaalada Shaafi iyo dadkale oo masjidka ka soo baxay ay ku dhaawacmeen. Naftii haligahan ayaa soo xirtey jaakad, waxana dhiigmiiratadu u sheegtay in lagu jano tago muslimiinta.




Maaha markii ugu horeysay ee Kismaayo ay ka dhacdo isqarxinta dhiigmiiratada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS