In ka badan 700 oo naftood haligeyaal ah ayaa laga soo badbaadiyay badda u dhaxasa Carabta iyo Yurub sida lagu baahiyay wargeysyo ka soo baxa Talyaaniga iyo Spain.
Markab laga leeyahay dalka Spain ayaa soo badbaadiyay dadkan oo ka soo tagay dhinaca Libya iyaga oo ku sii jeeday wadanka Talyaaniga.
Ciidamada badda Spain ayaa shalay soo bandhigay sawirada dadka la badbaadiyay oo gurmad loo sameynayo sida Wargeyska Daily Mail uu sheegay.
Kumanaan naftood haligeyaala ayaa maalin waliba laga soo badbaadiyaa badda waxaana sanadkan ku dhintay badda u dhaxaysa Carabta iyo Yurub 2,814 qof tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan halka sanadkii 2015 ay ku dhinten 3,771 ruux.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku mid ah dadkasi dhintay inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dadka Soomaalida ah ee badda ku dhintay sababo la xiriira hey’addaha.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay