Sida ay qortey jariirad ka soo baxda dalkaasi Kuweyt oo lagu macacaabo (Kuwait daily ) ayaa waxaa ay daabacdey in Ra’isal wasaaraha dalka Israaiil Benjamin Natanyahu uu ka badbaaday isku day dil la rabay in lagu khaarijiyo maalintii Salaasada aheyd xilli uu ku sugnaa caasimada Kiiniya.
Jariiradan oo soo xigatey qof xog ogaal ah oo ka tirsan xukuumada dalka Kenya ayaa waxaa ay intaasi ku sii dartey in la bedelay dariiqii uu mari lahaa Natanyahu ka dib markii sirdoonka yuhuudu ka war helay in halkaasi qarax lagu sii rakibay.
Sidoo kalana waxaa ay jariiradani ay sheegtay in laba qof oo arintaasi loo tuhmey xabsiga loo taxaabay
Hadaba warkan ayaa waxaa si toos ah ay qaar ka mid ah saxaafadu ay u weydiisay ra’iisul wasaare Natanyahu waxaana la sheegay in uu su,aashani si cadho leh uga jaawabay isla markaana uu sheegay in aanu waxba ka ogeyn.
Natanyahu ayaa ku guda jira booqashooyin uu ku kala bixinayo wadamo ka tirsan Bariga Africa isagoo istaagiisa labaad yahay wadanka Kiiniya.
Raiisal wasaaraha ayaa hadda jooga caasimada Itoobiya ee Addis ababa halkaas oo uu wadahadal la leeyahay madaxda Itoobiya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS