Waxa soo baxday natiijada codeynta afar gobol oo hore uga tirsanaa Yukrayn laakiin hadda ku biiraya Ruushka markii ay u codeeyeen inay ka go’aan Yukrayn. Natiijada oo soo baxday xalay goor dambe ayaa lagu sheegay inay ku biirayaan Ruushka.
Dadka degan afartan gobol ee bariga iyo Koofurta Yukrayn ayaa ah Ruush waxana dil iyo dhac joogta ah ku haysay maamulka Yukrayn ee uu wato Maraykanku. Maantase waa xor waxayna la midoobeen walaalalooda kale ee Ruushka.
Madaxweynaha Ruushka ayaa wacad ku maray inuu hilfaha u qaadi doono cidii soo weerarta, waxayna la mid ahaan doonaan cid weerar ku soo qaaday dalweynaha Ruushka.
Waxa hadda la sugaa in la dhameeyo sharciyada ku biirista iyo saxiixa madaxweyne Faladhimeer Buutin.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay