November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Nin 17 naagood la noolaa midna ogeyn ta kale oo hal mar wada ogaadey:QISO laga yaabay oo ka dhacday Shiinaha!!!

Hunan–Nin Shiine ah ayaa la noolaa 17 naagood isagoo mid ka mida ay u lahayd ilmo yar. Ninkan ayaan midina ta kale ogeyn in uu la socdo lana noolyahay. Haweenka ayaa laga dhacay lacag waxayna sameysteen meel ay isku arkaan oo ONLINE ah sida facebook oo kale kadibna ninkan ayaa lacag waydiin jiray markasta.

Ninkan ayaan haweenkan lacag ka guran jiray aadna way u jeclaayeen lamase garan jirin sida ay lacagaha u siin jireen. Wuxuu ku talojiray in mid kale guursado. Sharciga Shiinaha wuxuu ogolyahay hal haween kaliya iyo hal cunug.

Ugu dambeyn waxa dhacday in ninkani uu galay shil gaadhi oo foolxun kadibna dhaqaatiirtii u yeereen dadkii u qornaa oo ay ku jiraan 17 naagood. Waxana goobta dhakhtarka isugu yimi 17 naagood oo quruxbadan oo is fiirfiiriyay.

Xiao Li ayaa tiri ”waxaan u naxay si aanan waligey u nixin laakiin markaan arkay 17 naagood oo isla isaga u wada yimi isna waraysanay OOHIN dambe waan iska waayay” ayaa laga soo xigtey.

Booliiska Shiinaha oo khimaamada lacagahan la dhacay ku daba jiray ayaa iyaguna joogey isbitaalka lagu daawaynayay maadaama shilka uu galay isna khalad uu lahaa.

Shiinaha qaar oo ka faaloodey arintan ayaa u riyaaqay kartidiisa uu 17 naagood hal mar lawada noolaa iyadoo midna mida kale ogeyn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM