23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Nin argagixisada Daacish gowraca u qaabilsanaa oo ay cadeeyeen in uu dhintey

Wargeys Baahiya wararka kooxda DACISH ee wadamadamada Ciraaiyo Syria ayaa xaqiijiyay inuu dhintay Jihadi John  oo ahaa Gowracaagii kooxda ISIL oo ka mid ahaa dadka aadka loo baadi goobo.

ISIL ma aysan sheegin qaabka uu John Jihadi u geeriyooday balse dowlada Mareykanka ayaa bishii November ee sanadkii hore waxay sheegtay in duqeyn ay ka fulisay wadanka Syria ay la bartilmaameedsatay baabuur uu la socday Jihadi John oo hada la leeyahay waa uu geeriyooday.

Wuxuu kazoo muuqday Mohamed Emwazi oo loo yaqaano Jihadi John muuqaalo farabadan oo ay soo saartay kooxda DACISH kuwaa oo lagu gowracaye lahaystayaal kazoo jeeda reer  Galbeedka.

Jihadi John wuxuu ku lug lahaa gowraca wariyaasha kala ah Steven Sotloff i\James Foley , iyo Abdul raxmaan Kassig iyo David Haines oo ka shaqeyn jiray arimaha bini aadanimo.

Emwasi waxa uu ahaa shaqsi aad ugu wanaagsan Computer-ka wuxuuna ku noolaa kahor inta uusan DACISH ku biirin magaalada London.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS