X

Nin ay dhaleen boqorada Sucuudiga oo isku furtey 300,000 kun kadib galmo afeed uu kula kacay haween

The Beverly Hills Police Department building rises above Little Santa Monica Boulevard in Beverly Hills, California, U.S., on Tuesday, July 26, 2011. Global sales of luxury goods may rise 8 percent in 2011 excluding currency swings as demand strengthens in the U.S. and Europe and emerging-market shoppers splurge, Bain & Co. estimated in May. Photographer: Konrad Fiedler/Bloomberg via Getty Images

Daraad ayay ahayd markii Majed Cabdulcasiis Al-Sacuud ay haweenay afka dhiig ka da’ayo ay ka soo baxday guriga uu degan yahay ee lacagtiisu tahay 24 milyan iyadoo darbiga fuulaysa kuna eedaysay in uu kula kacay galmo afeed (oral sex) aad u foolxun waxase hadda soo baxaya in uu kula kacay dumar kale oo jooga guriga ama ka shaqeeya. Booliiska ayaa qabtey wuxuuna isku furtey lacag gaaraysa 300,000 kun oo doolar oo dabiin ah.

Dhaqanadan foosha xun ayaa dhowr jeer oo hore ku soo baxay dhalinta ay dhaleen boqorada qoyska Al-Sucuud ee iyagu ka talinayay Carabta ilaa sanadii 1932. Booliiska ayaa sheegay in wiilkan uu dhalay Cabdulcasiis AL-Sacuud uuna bixin wax hadala isla markaana aanu ahayn safiir oo sharciga Maraykanku qabanayo.

Dadka jaarka la ah gurigan baaxada weyn ee ina boqor degan yahay ayaa arkay haweenaydan oo soo fuulaysa derbiga labada mitir ah ee ku wareegsan guriga iyadoo afka dhiig ka da’ayo kuna qaylinaysa fadlan i caawiya fadlan i caawiya.

Booliiska ayaa gudaha u galay guriga halkaas oo ay ka soo dareeriyaan dad u badan shaqaalihii guriga iyo xaalada guriga oo u ekayd goob lagu cawaynayay ayay sheegeen booliisku. Waxana markiiba soo baxay haween kale oo sheegaya in iyagana goobta lagu faraxumeeyay.

Safaarada Sucuudiga ayaan wax warbixina ka soo saarin dhacdadan foosha xun ee ka dhacday ee lagu eedaynayo ina boqor iyadoo dadku ka naxeen lacagta uu isku dabiintey. Booliiska ayaa bilaabay baaritaan xoogleh.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.