Maxkamad ku taal magaalada Baydhabo ayaa ku xukuntey 5 shano xadhiga nin kufsaday gabar yar oo 5 jira. Waxase xukunkaa diidey dadka magaalada qaarkood oo sheegay in xukunkaasi aad u jilicsan yahay.
Dhawaan ayaa la toogtey dhalinyaro ku kacay kufsi laga argagaxay kadib markii ay kufsadeen wiil dhalinyaro ah. Kufsigaan ninka loo xukumay ayuu u gaystey gabadh aan qaangaadhin, waxana dadku qabaan in hore laga toogto.
”Macnaheedu waa gabadh miyuu xukunkaa ku mutaystey, wax la aqbalo karo maaha, waxaan idiin sheegaynaa gabadh maaha waa sabi aan xataa gabadhnimo noqon ayuu yiri Cali Calasow.
”Waxaan qabaa in dib looga fiirsado kufsiyada loo gaysto gabdhaha iyo xukunada la ridayo oo diinta la waafajiyo maadaama dastuur dhoodhoobku sheegayo in diinta wax ka sareeyo jirin.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay