X

Nin calooshiisa laga saaray walxo aan laga fileyn dalkaasi Masar

Dhaqaatiirta dalkaasi Masar aya ku guuleystay in nin ay calooshiisa ka soo saaraan walxo aan la fileyn kadib markii ninkaasi oo si aada u xanuusan la soo dhigey isbitaalka.


Ninkan oo aan la sheegin magaciisa ayaa calooshiisa laga soo saaray lacag qadaadiica, mid warqada, maqas nooca qaloocana, iyo tan ugu daran ee sigaarka lagu shito.

Camaliyada ninkan looga soo saaray waxaas oo dhan aya qaadatey afar saacadood. Waxa la sheegay in ninkani hadda iska caafimaad qabo. Wuxuuna qirtey in muddo uu uku gurayay caloosghiisa walxahan aan caadiga ahayn.


Markii ugu horeysay miyaa

Si kastaba ha ahaatee dhaqaatiirta ayaa sheegay inayna ahayn markii ugu horeysay ee sidan oo kale ay dhacdo. Waxayna intaas raaciyeen in sanadii hore ay nin calooshiisa ka soo saareen cadayada lagu cadaydo, mulqaacado iyo fargeetooyin.

Lama garan karo halka sheekadan calool wax ku guridu sal ku leedahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.