X

Maxaa keenay sii korodha qaraxyada dhiigmiiratada shabaab iyo xasuuqyadii u dambeeyay

Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya qarax dhiigmiiratada shabaab ka gaysteen maqaaxi shaah laga cabo oo ku taal deegaanka Ceel-waaq. Maqaayada ayaa xilliga miinadu la kacday waxa fadhiyay dad shaahaynaya. ”Waxa miinada aasay dhiigmiiratada oo la kaashanaya kuwa maqaayada leh auu yiri goob-jooge


Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay qaraxan halka lix kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen sida ay ku warameen masuuliyinta deegaanka Ceel-waaq.

Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratadu xasuuq noocana ka gaysato dalka, xasuuqyada ay gaystaan ayaa ah kuwo aan loo aabo yeelin caruur iyo ciroole iyo haween. Kaaga daran waxay u nisbeeyaan ALLAH Subxaana watacaala.


Qaraxa Muqdisho

Waxa sidoo kale qarax sidan oo kale ah uu ka dhacay Muqdisho gaar ahaan maqaaxi ku dhow taalada Xaawo Taako, waxa qaraxan gaystey naftii-halige isku xirey walxaha qarxa. Dhimashadu waa sadex qof.

Xasuuqyadaan ayaa imaanaya ayadoo ayna jirin wax culeysa oo la saaray dhiigmiiratada oo si aan hagar lahayn u qorsheynaya meelaha daldalooladu ka muuqato.


Ciidanka Amisom ee haysta hubka waaweyn ayaan haba yaraatee qaadin wax weerara in muddo ah gaar ahaan dhulka barwaaqada ah ee argagixisadu joogto.

Waxana dadka badankiisu u aanaynayaan wadamada taageeri jirey ama bixin jirey kharashka oo joojiyay sida Maraykanka kadib markii dalka ay ka dhalatey dawlad awood isbidaysa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.