November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Nin Ciraaqi ah oo ganaax gaadhi oo gaaraya 130 doolar ku bixiyay 50,000 oo doolar: maxaa ku kalifey

Nin Ciraaqi ah oo gaadhi uu watey la ganaaxay 130 doolar dalkaasi Australiya ayaa diidmada ganaaxaasi ku bixiyay 50,000 oo doolar. Ninkan oo lagu magacaabo Mustafa Al Shakarji oo ka soo cararay iscunka ka socda dalkiisa Ciraaq sanadii 20o2 ayaa isticmaaley aalada khariidada ee loo yaqaan Google Earth kuna doodaya in booliisku qaldan yahay.

Mustafa Al Shakarji ayaa la ganaaxay 130 doolar kadib markii booliisku sheegeen in uu ku socdey xawaaro ka badan xawaarihii loogu talogalay wadada oo ahaa 60 boqolkiiba halka booliisku sheegayo in uu ku socdey 88 boqolkiiba.

Mustafa Al Shakarji ayaa dhinaciisa leh boliisku wuxuu isticmalay khariidad qaldan maadaama halka uu marayay ay tahay meel buuqa oo qalabta satalaytka ama dayacgacmeedku aanu noqon karin sax.

Garyaqaanka u doodaya Mustafa Al Shakarji ayaa isna qaba in booliisku qaldan yahay goobtaasina ayna ahayn goob la qaadan karo akhriska ka soo baxay maadaama ay Jiri karaan oo ay jiraan in hawada goobtaasi soo geli karaan aalado ama akhrisyo badan oo raadiyo kuwada shaqeeya, taasina bedeli karto xawaaraha.

Mustafa Al Shakarji dagaalka uu la galay is difaacida 130 doolar ayaa la gaartey 50,000 oo doolar maadama uu maray dhowr maxkamadood laakiin uma arko lacag sidaa u badan..wuxuuna ku doodayaa oo uu yiri ” waxaan ka imi Ciraaq oo booliiska aanad la hadli Karin hadaad saxantahay iyo haddii kale musuq xun awgeed laakiin buu yiri halkani waa Austareliya wixii aad xaq u leedahay waa helaysaa.

Mustafa Al Shakarji ayaa ku sii daray in uu maxkamada weyn ee dalka uu la fuuli doono haddii la diido dacwadiisa ganaaxaas. Mustafa Al Shakarji waa 24 jir waxana markii ugu horeysay la ganaaxay sanadii 2012.

Waxa soo akhriyay kiiska Mustafa Al Shakarji

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS