November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Nin dadkiisu ku dhinteen shil ka dhacay Arabsiyo oo walaac ka muujiyay tayo xumada taraafikada

Ehelada nin dadkisu ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay Arabsiyo oo u dhow Hargeysa ayaa walaac ka muujiyayu tayo xumada ciidanka taraafikada. Baadhitaanka shil baabuur oo dhawaan ka dhacay jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Gabiley oo ay ku naf waayeen saddex qof qof kalena uu ku dhaawacmay ayaa laanta nabadgaliyada wadooyinka ee ciidamada booliska ay ehelada qofkan dhaawaca ah oo ahaa darawalkii waday gaadhiga yar ay ku dhaliileen qaabka loo waajahay iyo natiijada kiiskan.

Shilkan oo todobaadkan ka dhacay tuulada Agamsaha ee gobolka Gabiley,waxaana uu shilkan sababay dhimashada saddex qof halka qof kalena ku dhaawacmay,waxaana shilkan uu ahaa isku dhaca laba baabuur oo kala ahaa gawaadhida xamuulka qaada ee loo yaqaano Waraadka iyo gawaadhida yar yar ee shaqada loona yaqaano Tukhaanka.

 

Waxaana ehelada dhibbanahan dhaawaca culusi soo gaadhay oo ahaa darawalkii waday gaadhiga yar ay cabasho xoogan ka muujiyeen tayo xumada ciidanka taraafikada iyo sida ay wajaheen shilkan oo ay sheegeen inaanu habayaraatee waafaqsanayn sharciga,waxaanay arrintaasi u sibir saareen taliyaha ciidamada taraafikada ahna afhayeenka ciidamada booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis.

Waxaana ay sheegeen eheladani in Cabdixakiin Mawliid oo ah wadaha baabuurka tukhaanka ah oo uu soo gaadhay dhaawac halis ahi uu ku xidhan yahay saldhiga magaalada Gabiley isaga oo aan habayaraatee wax daawayn ah helin isla markaana dhaawac ah.

Eheladan ayaa sheegay inay u cuntami waydey amar ay tibaaxeen inuu ka yimi taliyaha taraafikada Somaliland isla markaana uu xoriyaddiisa u celiyey wadihii baabuurkii waaraadka ahaa ee ay isku dhaceen gaadhiga yar,waxaana ay sidoo kale carabka ku dhufteen eheladani in aan habayaraatee laga garnaqin isku dhaca laban gaadhi iyo waliba gaadhiga qaladka lahaa ee sababay dhimashada saddexdan qof.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS