X

Nin gacantiisa ku qorey kitaabka Quranka ee ugu weyn dunida: SAWIRO

Nin gacantiisa ku qorey kitaabka Quranka ee ugu weyn dunida.

Ninkan oo u dhashay dalka Masar oo waxbarashada iskuulka dhexda ku joojiyay ayaa rajaynaya in uu taariikh sameeyo ka dib markii uu saddex sano qorayay Kitaab Qur’aan ah oo uu rumaysan yahay inuu yahay kan ugu wayn adduunka oo dhan.

Sacad ayaa xardhay oo si qurux badan gacantiisa ugu qoray Kitaabkan Qur’aanka ah oo dhererkiisu yahay 700 mitir.

Maxamed oo ku nool magaalada Belqina oo Woqooyiga Qaahira ku taalla ayaa ilaa iyo hadda bixiyay wax kaste oo ku baxay mashruuciisan, Rajo wayn ayuuna ka leeyahay Kitaabkan.

Wuxuu rumaysan yahay in Kitaaabku uu gali doono diiwaanka waxyaabaha mucjisada ee Guinness World Records.

Wali diiwaankaas lama galinin Kitaabka quraanka ah ee ugu wayn caalamka ee gacan lagu qoray, laakiin si uu rajadiisa uga miro dhaliyo wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo kharashka uu u baahan yahay.

“Dhererka Kitaabkan Qur’aanka ah waa 700 mitir, dabcan waraaqihiisana lacag badan ayaa ku baxday, ayuu u sheegay saxafada.

“Anigaa mashruucan maalgalinayay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waaxana ahayn qof iska caadi ah oo ma haysto hanti iyo wax kale toona” ayuu yiri Sacad oo la hadlayey saxaafada.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.