X

Nin hore kufsaday haweenay dalkaasi Aljeeriya oo mar labaadna kufsaday kadibna

Dalkaasi Muslimka ah ee Aljeeriya ayaa waxa dadka ka gariirisay dhacdo aad u xun halkaas oo nin kufsaday gabadh 15 jira sanadii 2016, haddana kufsaday mar labaad. Ninkan ayaa qirsan kufsiga, waxana la sheegayaa inuu si ku filan u yaqaanay qoyska gabadhan uu kufsaday.


Hooyada gabadhan lagu magacaabo Shayma ayaa si toosa uga dalbadey madaxwetnaha dalkaasi inuu la dilo ninkaan oo hadda markii labaad intuu kufsaday kadibna jirkeeda jarjaray baasiina qabadsiiyay.

Dilkan ayaa ka dhacay goob shidaala oo cidla ah. Dadka dalkaasi ayaa si weyn uga qayliyay dilkan foosha iyo cadaalad darada ayagoo caradooda ku muujiyay baraha bulshada. Aljeeriya ayaa mamnuucdey sharciga Islaamka ee qofka xuquuqda u siinaya in la dilo haddii qoysku dalbado.


”Haweenayda la diley ayaan ka xishoon inay dacweyso ninkan, waxase muuqata in lagu qosley dal aan ku dhaqmin diin Islaam, haddana ah dalalka ugu dhaqanka xun marka ay noqoto ilaalinta haweenka ayuu yiri Xuseen Warsame.

Inkastoo haweenka dalkaasi xor yihiin oo ayna jirin cadaadin xoogleh oo uga timaada waalidka haddana musuqa dalkaasi ayaa aasa wax kasta oo ku saabsan haweenka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.