Wararka laga helaayo Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan hawlgal laga sameeyay Magaaladaasi in lagu soo qabtay nin lala xiriirinaayo argagixisada Shabaab.
Laamaha ammaanka, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen ninkaasi oo xiran dharka dumarka oo indho shareerna uu ku jiro, iyadoo dhinaca kalana la sheegay inuu bistoolad watay/ku hubeysnaa.
C/kaamil Macalin Shukri, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, ayaa sheegay Maqribnimadii Isniinta in gacanta lagu soo dhigay ninkaasi, hadana uu ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka.
“Waxaa la soo qabtay nin ka tirsan argagaxisada Shabaab oo xiran dharka dumarka, oo uu ku jiro indho shareer. Dhar waawayn ayuu xirnaa, bistooladna wuu waatay.” Ayuu yiri Afhayeenka.
“Hadda gacanta laamaha ammaanka ayuu ku jiraa, waxaan u soo bandhigi doonnaa Warbaahinta. Dadkan la soo qab qabanaayo waa dad tuhuno laga qabo.” Ayuu sii raaciyay Afhayeenku.
C/kaamil Macalin Shukri oo la hadlay VOA, ayaa sheegay 48-kii saac ee la soo dhaafay in dad loo soo qab qabtay falalka lidiga ku ah ammaanka Xarunta Somaliya.
“Waxaa jira dad la qab qabtay 48-kii saac ee ugu dambeeyay oo loo qab qabtay. Sababo amni oo badan ayaa jira, waana la baarayaa dadkan.” Ayuu yiri C/kaamil Macalin Shukri.
C/kaamil, ayaa xusay in illaa sagaal ah ay hadda ku jiraan gacanta laamaha amniga, waxa uu intaa ku daray in la sii wadi doono hawlgalada ka dhanka ah mintidiinta Ururka Al Shabaab.
“Tirada hadda gacanta lagu haayo waxaa weeye sagaal qof, waana la sii wadi doonnaa hawlgalada, maadaama aad ogtahay in dhagarqabayaasha ay dhagartoodu la damacsan yihiin shacabka.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay