X

Nin hubeysan oo rasaas ooda uga qaaday guri ku yaal Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ninka rasaasta ku furay Xarunta Mingiska lagu tumo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa argagixis halka warar kale ay sheegayaan in uu ahaa shaqsi cabsan, isla markaana uu baxsaday.


Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyooday weerarkaas halka ku dhawaad 10 kalena ay dhaawacmeen.

Aabaha wiil ku geeriyooday goobta oo warbaahinta la  hadlay ayaa sheegay in wiilkiisu goobta u tagay inuu soo daawado laakiin ay haleeshay masiibadan.


Ciidamo booliisa oo goobta gaaray ayaa qaaday dadka meydka ah. Ilaa hadda ma jirto faahfaahin dheeraada oo ka soo baxaysa ninkaas rasaasta furey iyo in la qabtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.