X

Nin ka cararay isbitaal xilli la doonayay in la baadho

Booliiska dalkaasi Simbabawe ayaa baadhid ku bilaabay nin u dhashay Taylaan oo ka baxsaday isbitaal la rabay in lagu baaro. Booliiska ayaa baacsaday ninkaan laakiin kuma guulaysan inay qabtaan waxayna hadda bilaabeen inay baadi goobaan.


Ninkan ayaa looga shakiyay cudurka hargabka Shiinaha oo hadda faro ba’an ku haya wadamada Talyaaniga iyo Koofurta Kuuriya. Simbabawe ayaa welli laga soo sheegin hargabkan.


Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in ninkan lagu arkay qufac iyo qandho daran taas oo kicisay dareenja dadka badankiisa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.