X

Ingiriiska oo joojiyay bixinta mishaharka askar Muuse Biixi adeegsado

Dawlada Ingiriiska ee siisa maamulka Somalilaan taageerada ugu weyn ayaa lagu canaantey taageerada ay siiso askar ay u tababareen Somalilaan oo Muuse Biixi u isticmaalayay inuu dadka fikirkiisa diidan ugu soo daato saqda dhexe.


Ciidankan Ingiriisku tababaray oo loo soo gaabiyo  RRU ayaa ku kacay xad-gudubyo ka dhana Bani-aadamka waxana dadkii ay waxyeelada gaarsiiyeen ka gudbiyeen dacwado ka dhana Ingiriiska oo isagu maalgelin jirey.


Muuse Biixi oonka naxay arintan ayaa qirtey in lacagtaas la joojiyay. Waxa kale oo si xun oo qabyaaladeysan loo isticmaalayay lacag Ingiriisku soo aruuriyay oo markii dambe loo bixiyay sanduuqa horunarinta Somalilaan laakiin isku bedeshay sanduuqa beesha dhexe.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.