X

Nin kurus geel luqunta u galay Hargeysa oo la badbaadiyay

Waxa magaalada Hargeysa isbitaal ku yaala la keenay nin kurus geel oo weyn liqay laakiin uu luqunta u dhaafi waayay kadibna isbitaalka loola cararay. Ninkan ayaa la sheegay inuu dareemay in cuntadii hore u socon weyday kadibna halis galay.


ā€¯Markii isbitaalka naloogu keenay ninkani wuxuu tufayay candhuuf badan wuxuuna dareensanaa in wax weyni cunaha u fadhiyo ayay tiri afhayeen u hadashay isbitaal Gargaar oo ah mid gaar loo leeyahay.

Waxa hawsha soo saarida fuliyay dhakhtar Caraba oo loo malaynayo inuu Suuriyaan yahay maadaama ay hadda jiraan dhaqaatiir badan oo Suuriyaana oo dalka ka xoogsada.


Ninka hawsha loo fidiyay ayaan isagu hadlin iyo sida ay ku dhacday inuu is dhaafiyo kurus geela oo la ogyahay inuu yahay hilib dux leh oo culus.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.