X

Nin samaystay hay’ad u dooda xuquuqda oo is casilay markay runta sheegtay

Hay’ad sheegan jirtey inay u doodo xuquuqda dadka laakiin inta badan la ogyahay inay si gaara isha ugu hayso dadka dimoqraadiga u dooda iyo weliba goobaha gooni goosadka ayaa ninkii lahaa is casilay kadib markii uu run sheegay.

Hay’adan fadhigeedu yahay Ingiriiska lagumna magacaabo Amnesti ayaa warbixin ka qortey ciidamada Yukrayn taas oo aad uga caraysiisay Maraykanka iyo xulafadiisa kale oo filayay inay Ruushka ku dilaan.

Waxay warbixin ku qoreen in ciidamada Yukrayn ay dabada geliyaan dadka shacabka iyo weliba suuqyada magaalooyinka waaweyn si dagaalku u daba dheeraado, ayadoo halis la gelinayo dadka shcabka ah.

Dagaalka ka socda bariga dalkaasi ayaa ciidanka Yukrayn ay ka dagaalmayaan guryaha dadku degan yahay, sida keliya ee looga saari karaana ay tahay in guriga lagu dumiyo. ”Waa khidada argagixisada oo ah guryaha ka dagaalan si dadku u qaxaan kadibna guriga ka soo rid rasaasta ayuu yiri Xuseen Warsame.

Warbixintaa runta kadib ayaa waxa is casilay mid ka mida raggii aasaasay hay’ada kadib markii uu waayay dawlad taageerta. Reer galbeedka aya Ruushku si fiican uga guulaystat dhinaca saxaafada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.