X

Nin sheegay inuu caafimaad ka qaaday dhiiga uu bixiyo

Amiin Saxiin waa nin Turkiya oo 60 jira wuxuu jebiyay rikoodhkiisa dhiig bixinta, wuxuuna leeyahay markasta oo aan bixiyo dhiig fudeyd ayaan ka qaadaa. Amiin oo bixiyay dhiig aad u farabadan ayaa la sheegay in aanu waxba u dhimin caafimaadkiisa.


Amiin ayaa lagu siiyay bilado farabadan dhiig bixinta. “Waxaan aad u farxaa in aan dadkale wax ku kordhiyay noloshooda oo aan bixiyay dhiig ay u baahnaayeen ayuu yiri.

Waxaan bixin lahaa 50 cabir-dhiig sanadkasta haddii la ii ogolaanayo ama aanu jirin xadid waayo waxaan dareemaa fudeyd, waxaan jeclahay inaan Ku noqdo oo aan bixiyo ayuu raaciyay Amiin.


Waxa jira Turkiga ilaa shan qof oo sidiisa ah inkastoo isaga ayna Ka badneyn dhiig bixinta, wuxuuna sheegay Amiin inuu kula tartamo inta dhiig ee aan bixin Karno.

“Anigu 60 jir ayaan ahay waxaan dareensanahay in aan weli yarahay siiba marka aan bixiyo dhiiga. Dhiig aad u farabadan uma fiicna caafimaadkaaga ayuu yiri Amiin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.