X

Nin xaaskiisa dhegaha iyo sanka ka jaray dalkaasi Afganistaan: SAWIRO

Nin u dhashay dalkaasi Afganistaan ayaa baxsi ku jira kadib markii uu xaaskiisa ka jaray sanka iyo dhegaha gobol ka fog caasimada dalkaasi ee Kabul kuna yaala Woqooyi bari. Haweenayda ayaa ku jirta isbitaal markii ninkani sidan u galay.



Booliiska dalkaasi ayaa ku dabajira ninkan sidii xayawaanka goostey dhegaha iyo sanka. Dadka deegaanka ayaa ka naxay kuna soo toosey haweenayda oo dhegihii iyo sankii la goostey oo dhiig ka da’ayo.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Zaira ayaa garanwayday waxa dambiya ee ay gashay ee dhegaha iyo sanka looga goostey.

Haweenka ku nool wadamada Afghanistaan iyo Bakistaan ayaa inta badan la kulmo dhaqanada ugu xun aduunka. Haweenka Afganistaan ayaa ku amran in  ay shabag wajiba ku xirtaan markay dibeda u baxayaan.



Zaira ayaa sheegtay in ninkeedu ka hor istaagey in ay aragto qoyskeeda una qaatey aalad uu iska leeyahay.

Waxay kaloo sheegtay in halmar uu hurdada ka kiciyay kuna bilaabay in uu dhegaha iyo sanka goosto.

Xaaladeeda ayaa hadda degan waxana lagu daawaynayaa isbitaal ku yaala Turkiga.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.