Wararka caawa aan ka helayno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin dil kula kacay xaaskiisa ka dib markii uu toorey la dhacay saygeedii. Haweeneydan oo dhaawac ahaan loola cararay Isbitaalka Daaru Shifaa, ayaa waxaa la soo sheegaya in halkaasi ay ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dhinaca qoorta.
Qoyskan oo ka mid ahaa qoysaska baracayaasha ee degan xeryaha ku yaala xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan, ayaa waxaa la soo sheegaya in murun uu soo kala dhex galay, markii dambena uu gacan ka hadal isu bedelay.
Dadka deegaanka, ayaa waxaa laga soo xigtay in ninka dilka gaystay uu muddooyinkii ugu dambeysay isu buuqsanaa, isla-markaana uu si bareer ah u gowracay afadiisii, ka dib dood dhex martay.
Dadka deegaanka oo isu deyay inay qabtaan ninkaasi, ayaa waxaan u suurtagelin soo qabashadiisa, iyadoo aan illaa iyo hadda la ogayn halka uu u cararay.
Marxuumadda oo carruur badan u dhashay ninkaasi, ayaa waxaa la sheegay in ay macquul tahay in hinaaso ahaan uu u dilay. Deegaanada Somalida, ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo noq noqday dhacdooyinka ceynkani oo kala ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay