31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Nin xalay Boorama loogu diley sida argagixisadu dadka u qalato

Nin xalay Boorama loogu diley sida argagixisadu dadka u qalato. Sida wararka ka imanaya isbitaalka guud ee magaalada Boorama sheegayaan ninka ayaa ahaa waardiye ama ilaaliye guri ku yaala magaalada xilliga xasuuqani dhacay.

Ilaa hadda ma jiro cid ka hadashay dilka foosha xun ee loo gaystey ninkaasi hawshiisa gudanayay oo hadda la ogaadey in uu oday lixdan jira. Gaashaanle Gacmoyare ayaa khadka telkiisu xirnaa mar aan la xiriirtney.



Dhacdadan ayaa dadka magaaladu aad uga gilgisheen ahna falal lagu yaqaano argagixisada Koofurta Somaliya oo dadka u qasha sida xoolasha kadibna soo dhiga banaanka sida dadka loo argagixisiyo.

Dhaqankan gowraca dadka ayaa ka yimi Sucuudiga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS