November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

NISA oo madnuucaya laba wariye oo argagixisada shabaab u shaqeeya

Hay’ada sirdoonka Somaliya ee loo soo gaabiyo NISA ayaa madnuucaysa wariyeyaal toos ugu shaqeeya argagixisada shabaab iskana dhiga in ay daacad u yihiin dalka.

Wariyeyaashan ayaa midna u shaqeeyaa idaacada Aljazeera ee u adeegta urur diimeedka akhwaan Muslimiin halka wariyaha kalana samaystey shabakad la baxdey Dalsoor.



Labadan wariye oo la kala yiraa Xamsa Maxamed iyo Jamaal Cusmaan ayaa xayaysiin u sameeyay argagixisada iyagoo soo qaaday waraysiyo aan lagu waydiin suaalaha dhalinyarta isqarxiya ka faaiideysan karaan.

Cali Dheere oo afhayeen u ahaan jirey argagixisada ayaa waayay fagaare uu kula hadlo kooxda argagixisada waxase afhayeen u noqdey labadan wariye oo midi ka dhiiban yahay Ingiriiska.



Ujeedada waraysiyada ayaa ah mid lagu sharciyaynayo isqarxinta iyo xasuuqa ay muslimiinta u gaysteen. Iyadoo gebi dhalinta ay afduubteen ama maskaxda ka qabsadeen ayna ogeyn beenta iyo naarta ka horeysa.



Waraysiyada noocana ayaa waxa ay dhaawac ku yihiin dadkii ay argagixisadu xasuuqdey, marnaba caadi maaha in xasuuqihii xalaalaysto falkii uu sameeyay.

Wariye Jamaal Cusmaan oo ka dhiiban Ingiriiska ayaa isagu hore u sheegay in wariyeyaasha ay gowracaan argagixisada ay iyagu isku gaysteen, isagoo difaacay xasuuqa wariyeyaasha Koofurta loo gaystey.

Sawirada hoose waa Jamaal Cusmaan (bidix) iyo Xamsa Maxamed

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS