X

Nooc cusub oo Karoona ah oo laga helay Faransiiska

Dalkaasi Faransiiska ayaa laga helay nooc cusub oo ah hargabka Karoonaha oo dhamaanba aan lahayn dheecanada lagu yaqaanay kuwii ugu dambeeyay sida hargabka Hindida, Shiinaha iyo kan Ingiriiska.



Qolooyinka caafimaadka ee Faransiiska ayaa sheegaya in hargabkan cusub ee Karoonaha ah in laga helay dad hore uga bogsaday cudurka bishii hore. Dadka uu soo ritay ayaa waxa ku jira caruur 18-na iyo 24 bukaan socod.


”Haba yaraatee ma wado calaamadaha lagu yaqaanay hargabyada hadda wareegaya ayay yiraaheen qolooyinka caaafimaadka ee Faransiiska. Ururka caafimaadk ee rer Yurub ayaa ku daray noocan cusub cudurada isha lagu haynayo.

Faransiiska ayaa sheegay in dhamaanba la takooray inta uu ku dhacay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.