X

Oday dhaqameed nacay horjooge Muuse Biixi oo Xamar ka degay

Oday dhaqameedka loo yaqaan Buur Madow ayaa maanta ka degay Xamar kadib markii arkay qabyaalada horjooge Muuse Biixi ka wada maamulka Somalilaan. Buur madow oo beeshiisu ka dambayso ayaa sheegay in safaro badan oo uu soo galay ay Xamarna ku jirtey.



Waxa si aada loogu soo dhaweeyay Muqdisho halkaas oo oday dhaqameedyo iyo dhamaan siyaasiyiinta reer Woqooyiga ay ku soo dhaweeyeen, Buur madow ayaa sheegay inuu u warami doono.


Waa madax dhaqameedkii ugu muhiimsanaa ee ka tirsan maamulka Muuse Biixi oo in dhaweyd ka dega Xamar. Tana waxay muujinaysaa haddii hogaan fiican la helo in dalka hal meel laga hagi doono.

Waxa aad uga xanaaqay imaatinka Buur Madow saaxiibada gooni goosadka sida Ingiriiska iyo dabcan horjooge Muuse Biixi oo aan waxba qaadi karin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.