X

Noorway oo ka baqday Ruushka amarteyna ciidanka Maraykanka inaanu tagin xadka

Wadanka Noorway ee ka tirsan ururka Naato ayaa ka baqay Ruushka amrayna ciidanka Maraykanka inayn ka ag-dhawaan xadka dalku la leeyahay Ruushka. Waxa jira xiisad ay abuureen Maraykanka iyo Ingiriiska oo warbaahinta looga caayo Ruushka.


”Waa noo muhiim inaan joogno xadka aan la leenahay Ruushka oo ay joogaan ciidankeena, maraakiibteena iyo diyaaradaheena ayay tiri dawlada cusub ee dalkaasi. Waa in anagu gacanta ku haynaa xadka Ruushka si aan u xalino wixii cusub.


Waxaan sidan u samaynaynaa danta Noorway waanan kala hadli doonaa go’aankeena dawlada Maraykanka iyo Ingiriiska. Noorway ayaa loo dhisay xarun sirdoona oo Ruushku aad uga cadhooday.



Ruushka ayaa Noorway u sheegay in holoca ugu horeeya uu qaadi doono iyaga haddii laha soo weeraro dhinaceeda.

Rashiid ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.