X

Deg-deg: Milatariga Itoobiya oo maleeshiyada Tigreega ka eryaday magaalooyin muhiima

CABI XAMED

Milatarigaa Itoobiya ayaa jabkale oo xoogan gaarsiiyay maleeshiyada Tigreega kana eryaday 8 magaalo oo muhiim aoo ay ku jiraan Dessie iyo Kombolja oo warshado muhiima ay bililiqaysteen Tigreegu. Magaalooyinkan waaweyn oo Muslimiin badan ku noolyihiin ayaa Tigreegu khiyaano ku soo galay bishii hore.


Waxa kale oo milatarigu ka saaray Tigreega oo caadi u jabay inkastoo markii horena ayba awood lahayn magaalada weyn ee Bati ee Woqqoyiga dalkaasi.

Dhamaan magaalooyinkan ayaa ku yaala wadada tooska u aada Maqale. ”Waxa keliya oo hadda haray waa magaalooyin yaryar waxana ciidanku toos u tegi doonaa Maqale ayuu yiri afhayeen u hadlay milatariga.


Kombolja oo ay ku yaaleen warshadaha dhara sameeya oo dharka laga sameeyo loo iib geyn jirey Yurub iyo Maraylanka ayaa Tigreegu qolfoof ka dhigey. Dhamaan magaalooyinkan ayaa ku yaala gobolka Axmaarada waxase awal ay ka tirsanaayeen gobolka Oromada.



Kumanaan dhalinyaro ah haweena ku jiraan ayaa isa soo dhiibey dhawaan markii si xoogan loo garaacay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.