November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Obama oo ka dhuuntey in uu ka qaybgalo aaska Maxamed Cali markii uu yimi Erdogan

Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa ka dhuuntey aaska feedhyahankii weynaa ee Maxamed Cali markii uu Erdogan sheegay in uu imanaya aaska. Madaxweynaha urur diimeedka akhwaanka ee Turkiga Erdogan ayaa isagu ka qaybgalaya waxana taas diidey la taliyeyaasha Obama oo sheegay in aanu goob la qaybsan Erdogan si aanu Yuhuuda uga caraysiin iyo haweenka qaar.

Obama ayaa sheegay in uu ka qaybgalayo xaflad gabadhiisu ku leedahay dugsigeeda laakiin uu warqad u direy ehelada Maxamed Cali oo uu dhiibey xoghayaha aqalka cad ee dhinaca isgaarsiinta.

Yurub ayaa ka cadhootey hadalo baryahan ka soo baxayay Erdogan oo ku aadanaa haweenka taas oo Obama iyo saaxiibadiisa khaniisiinta ka caraysiiyay.

Maxamed Cali ayaa lagu wadaa in berito lagu tukado isla Jimcahana lagu aaso magaaladiisa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS